Shabaab iyo ciidamada Dowlada Soomaliya oo ku daagalamay Busaar Gobolka Gedo

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo Al Shabaab ayaa ka dhacay Buusaar ee Gobolka Gedo Somaliya.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan Shabaab ay weerareen Saldhig ciidan oo ku yaal deegaanka Buusaar xalay.

Xoogaga Shabaab iyo ciidanka ayaa isku adeegsaday dagaalkooda hubka fudud iyo midka culus, sida ay soo wariyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Wararkeena dambe kala soco qasaarihii ka dhashay dagaalkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.