Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo uu Maanta ku tagey xarunta Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib uu dhiska Soomaaliya,isagoo u kuurgalay howlaha shaqo ee halkaasi ka socda.
Mudane Xasan Cali Khayre waxaa xarunta Wasaaradda Howlaha guud ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaraddaasi Eng Saadiq C/llaahi Cabdi,Wasiiru Dowlaha Wasaradda,Wasiir ku Xigenka Wasaradda,Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaradda Howlaha Guud.
Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradda Howlaha guud oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka , is xog waraysi kadib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha Wasaradda inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagar la’aan ah.
Leave a Reply