Iscasilaadda Jawaari Anfariirka Axmed madoobe W/Q: Muxiyadiin Colow

jawari

Xilli saaka uu iscasilay Afhayeenkii baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa waxaa shakhsiyaadkii iscasilaadiisa ay saameysay kamid ahaa xildhibaano tiro yar oo gudoomiyaha taageersanaa iyo madaxweynaha Jubbaland axmed madoobe.
Madaxweynaha jubbaland Axmed madoobe oo u arkaya in jawaari uu yahay shakhsiga kaliya ee uu kula dagaalami karo dowladda soomaaliya, ayaa waxaa iscasilaadiisa ay ku noqotay falaarta laabta lagaga gamay, waxaana wararka Nairobi ka imaanaya ay sheegayaan in Axmed madoobe ladhigay isbitaal kuyaala Nairobi kadib markuu dhiiga ku karay.
Axmed madoobe ayaa horaantii todobaadkii hore qaliin ku galay Mpesha Hospital oo Nairobi kuyaala, tanina waa markii labaad oo hogaamiyahaas ladhigo isbitaal waxayna ka dhigantahay in xaaladda caafimaad ee hogaamiyaha ay laba gabi dhacleyneyso.
Ilo wareedyo ka agdhaw axmed madoobe oo aan la hadalnay waxay noo xaqiijiyeen xanuunka lasoo darsay Hogaamiyahooda, iyagoo hoosta ka xariiqay in bareeshar kahoreeyey iscasilaadii jawaari uusan qabin hogaamiyaha.
Todobaadkii tagay ayuu axmed madoobe mid mid u wacay xildhibaanada jubbaland laga soo doorto oo gaaraya 43 xildhibaan, si uu kalsooni ugu raadiyo Prof jawaari oo kudhawaad 200 oo xildhibaan ay saxiixeen kalsooni kala noqoshadiisa, axmed ayaa ku guuldareystay in xildhibaanada badankood uu ku qanciyo in ay taageeraan aragtidiisa marka laga reebo afar xildhibaan oo ay isku reer yihiin kuwaas oo ku qancay ahdaafta qabiilka ku saleysan ee uu hogaamiyaha usoojeediyey.
Waa dhabarjab siyaasadeed oo soo foodsaaray maamulka axmed madoobe ka adkaanshaha siyaasadda lagaga adkaaday gudoomiyaha uu taageerada adag u muujiyay ee Jawaari, waxayna tani noqoneysaa bilowga isbadal ka hana qaada jubbaland bacdamaa uu toos u bilaaban doono dagaalka dowladda dhexe iyo axmed madoobe ka dhex bilaabmaya.
Axmed madoobe ayaa qorshihiisa ugu badani waxa uu yahay in uu sameysto muddo kordhin 2 sano ah si uu ula dagaalamo dowladda dhexe, balse dowladda iyo shacabka ree jubbaland oo isku duuban ayaa diyaar u ah in ay ka hortagaan, ficiladda guracan ee uu qorsheystay axmed madoobe, iyadoo todobaadyada soo socda la dareemi doono gabal dhaca axmed madoobe.
W/Q: Muxuyadiin Colow
Muqdisho, Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.