Dhageyso:Askari katirsan Ilaalada Madaxwaynaha Jubbaland oo Xaaskiisa oo casho usoo gurtay Dilay

muhubo

Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka Maamulka Jubbaland ayaa si fool xun waxaa loogu dilay Muxubo Maxamed Guure oo ay aheyd 18 jir, Muxubo ayaa waxaa dilay Seygeeda ama ninkii qabay oo ka tirsanaa Ciidamada Gaarka ah ee maamulka Jubbaland.

Luul Maxamed Guure oo ay walaalo ahaayeen Muxubo Maxamed Guure ayaa sheegtay ka hor inta aan la dilin Muxubo ay ninkeeda usoo diyaarisay Casho iyo gogasho una sheegay in dhawaan uu safar galayo, Muxubo ayaa iyadoo jiifta Barxad guriga ku dhaxtaalo ama daashka Guriga ayaa waxaa rasaas la dhacay Ninkii qabay.

Dhacdaadan Xanuunka Badan Iyo kuwa sii daran ayaa waxaa shacabka kudhaqan Kismaayo u gaysta Ilaalada Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobwe cid loo soo qabto oo sharciga la horkeenayna Ma jiraan.
Xigasho Iaadacada Kulmiye

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.