Madaxwaynaha Somaliya oo dalka dib ugu soo laabtay kadib markii shir uga qayb galay dalka Sacuudiga

Madaxweynaha Ummada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay shir-madaxeedka dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo ka dhacay  Sucuudiga ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay madaxda Carabta, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in walaalaha Carbeed ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan dib-u-kabashada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha Carbeed muhiimadda ay leedahay midnimadu iyo wadajirku, maadaama marxalad adag ay ku jirto mandiqaddu, sida kaliya ee looga gudbi karana ay tahay isku duubni iyo in la ixtaraamo dal kasta madax-bannaanidiisa iyo karaamadiisa.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Jaamacadda Carabta inay fuliso ballanqaadyadii iyo go’aamadii ka soo baxay shirarkii hore ee lagu taageerayay Soomaaliya iyo in badeecadaha Soomaaliyeed loo fududeeyo suuqyada Carbeed, cafinta daymahii hore ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay ku leeyihiin dalka iyo in lagu dhiirrigeliyo ganacsatada Carabeed in ay maalgashadaan Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.