Wariye Ka tirsan BBCda oo Ku tilmaamay Muqdisho Magaalo Baaba ah

alinuur

Mudooyinkii dambe wariyaasha ka hawl gala idaacada BBcda qaybteeda Af Soomaliga ayaa waxay Hadalo xun xun Iyo Aflagaado u gaysanayeen Shacabka Iyo Madaxda Soomaliyeed Tii udambasayna waxaay ka timid Wariye Cali nuur Salaad oo ka hawlgala Idaacada Bbcda Qaybteeda Muqdisho.

Wariye Cali Nuur oo ka hadlaayey Basas ay Dowlada Qadar ugu Deeqday Gobolka Banadir ayaa sheegay inaysan ka Jirin Magaalo Madaxda Soomaliya Wadooyin lagu wado Basaskaa Dalka Qadar ku deeqday hadalkiisan sidaan buu u qoray “30 ka bas ee Qatar noogu deeqday jid lagu wado Muqdisho kuma yaallo ee magaaladee jeclaan lahayd in la geeyo?”

Waxaa is waydiin leh Wariyaha BBCda Cali Nuur indhihiisa ma qaban waayeen Basaska tirada Badan Iyo gadiidka Yar yarka ee kusugan Muqdisho kuwaas oo maalayin qof oo kusugan magaalo madaxda Soomaliya ee Muqdisho u fududeeya isu socda Iyo ganacsiga Bulshada.

Hadalkaan kasoo baxay Wariyaha ayaa kamida kuwa badan oo shaqaalaha Bbcda ku aflagadeeyaan Shacabka Iyo Madaxda Soomaliyeed Waana mid mahiim ah in meel looga soo Jeesto layskana qabto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.