Maamulka Gobolka Banaadir oo degmooyinka Gobolkas ka Hirgaliyey adeegyada Bulshada

Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Benaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta xariga ka jaray xafiisyada Adeegga ee degmooyinka Deyniile iyo Dharkiinleey ee Gobolka Benaadir.

Xafiisyada Adeegga heer degmo ee la hir geliyey ayaa bixin doona adeegyada shatiyada, dhalashada iyo sugnaanta, kaarka aqoonsiga ee dawladda hoose, Nootaayooyinka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, kuwaas oo markii hore shacabku ay u soo doonan jireen Xarunta Gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.