Maxaad Kala Socotaa xaalada Qalafsan ee ay Kusugan yihiin Wariyaasha Gobolka Gedo?

isgaarsin

Tixgalinta ka warqabka iyo dhiiri galinta wariyaha waxay wariyaha ku hagtaa in uu si waafi ah u guto shaqadisa kana shaqeyo hormarka iyo wacyi galinta bulshada somaliyeed ee uu la noolyahay lakiin wariyasha somaliyeed intooda badan ma haystan cid si dhab ah oga warqabto, xalada ay ku shaqeeyaan oo ah mid qatar iyo halis badan leh.

Tussale ahan hadan u so qaato wariysha ka howlgalo gobolka gedo waxa la dhihi karaa wa kuwa ugu daran ee ay haysto daruufaha aan kor ku so xusay mana jirto cid si dhab ah oo ka war hayso marxaladaha adag isla markana guracan ee ay ku shaqeyaan.

Sidoo kale ma jirto cid si cad u dareensan shaqada adag ee uu wariyaha u hayo shacabkiisa iyo waliba kaalinta uu bulshada oo ka dhex jiro wariyasha manta gobolka Gedo ka shaqeeyo waxay noqdeen kuwa maamulada degmooyinka ay isticmaalan marka ay rabaan oo dan ka leeyihiin oo kaliya lakiin an laga war qabin sida uu xalay ku baryay xag amaan xag caafimad iyo mid nololba taasna waxay keentay in gobolka gedo ay ka shaqeyan tiro yar oo wariyaal ah oo niyada un ku hayo mar baa la daremi donaa kaalinta cad ee muhimka ah ee aad bulshada ku dhax ledihiin.

Waxa isweydiin mudan maxay wariyasha gobolka u dhaafi la yihiin tiradan yar oo loo wayay dhalin yaro cusub oo ku soo biirto saxafada jawabtu way sahlantahay maxa yeelay somaalida waxay tiraahdaa Ratiga hore kan danbe saan qadkiisa ayuu leeyahay marka qof kasta oo arko xaladan ay wariysha ku shaqeyaan waxa hubaal ah in uu hortiisa ku sii ordo si uu u raadsado xirfad ka dhib yar kana amaan roon maxa yelay midaan wa Qatar aan laguu ogayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.