Daawo:Doorashadii Gudoomiyaha dhalinyarada Degmada Baardheree oo ku Guulaystay

Degmada Baardheerer ee Gobolka Gedo ayaa waxaa maanta Ka dhacday doorashadii Gudoomiyaha Dhalinyarada Degmada Baardheere, Doorashadaan ayaa ahayd mid Gacantaag wax lagu dooranaayey waxana ka soo qayb galay ergooyin kudhow 300 oo dhalinyaro ah kuwaas oo ka yimid Xaafadaha Degmada Baardheere, Waxaana Doorashadii gudoomiyaha Dhalinyarada Degmada Baardheere ku guulaystay Mudane Cali Dubad Axmed.

Gudoomiyaha Cusub ee dhalinyarada Degmada Baardheere ayaa waxuu sheegay inuu wax wayn ka qabanayo baahiyada haysta dhalinyarada isagoo intaas ku daray inuu isbadal muuqda soo kordhin doona Dhalinyarada Degmada Baadheere.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.