Dhagesyo:Senator Goonjeex Musuq Maasuq badan ayaa ka jira dalka hantidii qarankana waa la boobay

goonjex

Sanoter Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex oo ka mid ah Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Soomaliya ayaa mar uu ka hadlaayey qorshaha Dowlada Soomaliya ay wada ee Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq Maasuqa oo ay horay u ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxuu sheegay in dhammaan hantidii qaranka uu lahaa uu gacanta u galay Shaqsiyaad kuwaas oo u baahan in lala xisaabtamo.

Senator Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex ayaa ugu baaqay in dowlada Soomaliya ay warka soo saarto hantida qaranka ee la boobay si guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa ay Shaqadooda u fududaato.

Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqa oo ay xildhibaannada Golaha Shacabka ansixyeen 14 kii bishoo November ee Sanadkii las oo dhaafay ee 2017 ayaa hadii ay meel mariyaan Xildhibaannada Aqalka sare waxaa loo gudbin doonaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu u saxiixo kadibna uu dhaqan galo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.