Dhagesyo:Cabdirixman Cabdishakuur oo Kenya Foolxuma kala Kulmay

shakur

Amar kasoo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu joojiyay Xafladii Xisbiga Wadajir ee uu iska Lee yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xafladda ayaa ka dhici laheyd Howlka Xafladaha Sir Ali Muslim waxaana ka qeyb gali lahaa dad taageerayal u ah Cabdirixman Cabdi Shakuur.

Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in Kenya ay tahay dowlad aqoonsan dowladda Soomaaliya, isla markaana aysan marnaba ogolaan doonin in Kenya uu noqdo Wadan looga duulo dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in laamaha amniga Kenya ay masuul ka ahaayeen in la joojiyo Xafladaas kadib amar ka soo baxay Madaxda Sare ee dowladda Kenya.
Waxa uu sheegay in hadii la doonayay in xisbi la soo bandhigo in ay dalkooda la aadaan laakin Kenya aysan ogoleyn in Xisbi ka madax banaan kuwa Kenya ka jira in ay shirar siyaasadeed ku qabtaan dalka Kenya sharciga Wadanka kenyana uusan ogoleyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.