Maqaal :Doorasho qof & cod ah ma qabsoomi karta ? W/Q : Ibrahim Abdishakur Ali-Mire

Dal kaste oo qaadato nidaamka dimuqraadiga waxa ka qabsoonto doorasho shacabka wadankaasi ay doortan shaqsiga ay u arkaan in dalkaasi uu hogaamin karo.
Noocyada doorasho
Si aan u fahanno nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta waxan dib ugu noqoneyna cilmiga siyaasada (Political Science). Doorashoyinka qof & cod loo yaqaano aya kala duwan marki ay timaado labada nidaam ee ‘Parliamentary system’ and ‘Presidential system’.
Nidaamka Baarlamanka aya ah nidaam shacabka ay soo doortan Xildhibaanada ku matalaayan Gollaha Shacabka, natiijada aya noqaneeysa in xisbiga aqlabiyadda Baarlamanka musharaxooda ( wuxu noqon kara Guddomiyaha Xisbigaasi) uu noqdo Hogaamiyaha Dowladaasi. Tuusale dalka Britain aya qaabkasi doorasho istacmaalan. Nidaamka labaad ayaa ah midka Madaxweynaha , tani ayaa ah qaab eey shacabka ku dooranayaan Madaxweynaha qudhiisa waxaana xusid mudan in Xildhibaanka ku mataalaya gollaha wakiilada / shacabka ay gooni u dooranayaan. Tusaale , dalka Kiinya aya laga istacmaala nidaamka codeeyntaasi.
Suurta-gal matahay in Soomaliya
ay ka dhacdo doorasho qof & cod ah ?
Aniga ahaan waxaan qabaa maya sababaha soo socda aawgeed :
1. Marki ay dhaceeyso doorasho qof & cod ah waa in dalka guud ahaantisa amnigiisa uu sugan yahay taasi oo-ka dhigan in Xarakada Al Shabab la cirib-tiro , arintaasi xiligaani ma muuqato. Dowlada Soomaliya aya sanadkeedi u horeysay sheegtay in Al Shabaab ay dalka ka sifeeyneyso muddo 2 sano gudahood ah , waxaana haatan tagtay 1 sanno iyo 3 billood, dhaq-dhaqaqa ciidan ee la qaaday ayaa ah wax-kayar 15% deeganka Al Shabaab eey xukumaayeen oo lagala wareegay.
2. Sida ku qoran dastuurka kmg ah , hadi dalka lagu qabanaayo doorasho dadweyne waa in ay ka qabsoonta magaalo , degmo & tuulo kaste oo katirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Su’asha waxa weye Somaliland makuso biiri doonta Dowlada Federalka ?? Saa-saanteda looma jeedo , dhacdooyinka soo cusboonaday-na waxa eey dhalineysa kala fogaansho siyaasaded iyo hoos u dhac ku timaado ‘Social Integration’ ( is dhex-galka bulshada). Khabiirada siyaasadda geeska afrikka falanqeeyaan ayaa hoosta ka xariiqeen in shacabka Somaliland ay gooni isu-taagooda eey tahay muqaddas. Waxa markaasi imaaneyso laba qodob , koow Dowlada Soomaliya maka tanaasuleysa qayb kamid ah dhulka Soomaliyeed mise dastuurka ayeey badali doonta laguna qeexi doona inta wada-hadalada Somaliland guulo laga gaaraayo in gobollada Koonfureed kaliya ay ka dhacaan doorashoyin, arintaani aya ah caqabad farsamo weeyn u baahan.
3. Aas-aasiga dowlad-nimo waxa kamid ah in dowladda ( the state ) eey u tira-kooban tahay dadweynaha wadankeeda ku nool. Si tira koobkas loo sameeyo waxa ay u baahnan doonta in dhulka uu isku furan yahay (xaalado amni aawgeed dalka wuu kala xiran yahay ). Waxa xusid mudan in hadi Soomaliya la tira koobayo ay u baahnan doonto lacag kor u kaceeyso ilaa $400 million , waxaan filaya hadaan kaftammo in tiradasi eeyba ka sareeyso miisaniyada xukuumada balse hadi eey beesha caalamka ku taba-ruceeyso waa baab kale.
4. Marki la qabanaayo doorasho dadweeyne oo lagasoo gudbo tira-koobka muwaadininta waxa ku xigto inloo jarro kaarka codeeynta , tanni ayaa ku bixi doonta waqti , juhdi iyo dhaqaalo fara-badan , wax hadal haayo kaadh-doorasho ilaa iyo xiligaan lama arag.
Gunaanud
Sida muuqato dalka walito waxa uu kasoo kabsanaaya haraadki colaaded , Dowlada Soomaliyana waxa eey qabatay waxqabad la taaban karo balse durufaha jiro aawgeed ma saamixi doonto in dalka eey ka dhacdo doorasho dadweeyne. Madaxda Soomalida aya shacabka ku wargelin in aaysan qabsoomi karin doorasho dadweyne iyago ka cabsi qabaan dhaliilo iyo kacdoon horleh , tusaale ahaan Madaxweynihi hore Soomaliya Mudane Xasan Sheikh Maxmuud sanad marki eey ka dhimaneyd doorashada ayuu bidhaamiyay in doorasho qof iyo cod ah aaysan suurta-gal noqon doonin. Quburuda ku xeel-dheer falanqeynta siyaasadda aya carab dhabeen in la keeni doono qaab doorasho oo ka duwan 51ki ergo aana aheyn qof & cod , waxaana bulshadda Soomaliyeed maskaxdoda ka dhax-guuxeyso doorasho nooce ah baa dalkiina ka dhici doonto dhamaadka 2020 ?
Walaahu aclam! Qadarta eebe-weyne unbaa og.
Ibrahim Abdishakur Ali Mire
Falanqeeyo Siyaasadaha dunidda
London , Uk
Ibrahimmire2@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.