Wasiirkii Gaashaandhiga Soomaliya oo is casilay isuna sharaxay Guddoomiyaha Baarlamaanka

wasiir

Wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta iska casilay xilkii Wasiirnimo isaga oo isku soo sharaxay xilka guddoomiyaha Golaah Shacabka Soomaaliya.

Wasiirkii Hore Gaashaandhiga oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Warqada istiqaalada waxa uu u gidbiyey Guddiga doorashada gudoomiyaha oo uu hogaamiye Nuur Iidow Beyle,waxana isla Maanta uu qaatay Shahaadada mushaarxnimo ee guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Isdiiwaangelinta ayaa waxaa ay ku egtahay shanta Galabnimo,waxaana ilaa hadda is diiwaangeliyay musharrixiin dhowr ah,iyada oo shalay kaliya Guddiga ay shaaciyeen shan Musharrax oo isu diiwaangeliyay xilka Guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya.
Doorashada ayaa la filayaa in ay dhacdo 30-ka Bishan April 2018,sida ku cad jadwalka ay baahiyeen Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.