Madaxweynaha Somaliya oo u hambalyeeyay cayaartooyda Xulka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa hambalyo dhiiri gelin ah u diray cayaartooyda Xulka Qaranka, isagoo ugu hambalyeeyay guusha ay soo hooyeen.

Madaxwaynaha ayaa yiri Waxaan u hambalyeynayaa Xulkeenna Qaranka ee ay da’doodu ka hooseyso 17 sano jirka oo galabta u gudbay cayaarta kama dambeysta ah ee Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika, keddib markii ay hal iyo eber kaga badiyeen Xulka Uganda” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa ku dhiiri geliyay cayaartooyda guusha taariikhiga ah ee ay gaareen, “Waxaad sare u qaadeen sharafta dadkeena iyo dalkeena, waxaadna muujiseen karti iyo dadaal dheeri ah, waxaan rajeynayaa inaad koobka lasoo guryo noqotaan Insha Allah.” ayuu hadalkiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

warbixintii wqrbaahinta qaranak

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.