Sidee tahay xaalada dhabta ah ee Soomaaliya Waqtigaan? W/Q Jimcaale

jim

Arintaan dad badan baa ka hadlay taas oo laba waji kala duwan wax ka yiri, waxaan dhihi karaa danleey shisheeye u adeegaya iyo wadani qaranka u danqanaaya,sidaas awgeed fikarkayga dhexda dhigimaayo oo waxaan ka mid ahay inta ay dhibayso dhibaatada iyo hagardaamada lagu hayo gayyiga Soomaaliyeed,haddaba si aan u garano meesha hadda aan joogno dhanka aan uga dhaqaaqi lahayn waxaa loo baahan yahay in cajalada dib loo celiyo waayadii na soo maray.

Isticmaarkii ka dib waxaan soo marnay 30 sano oo dawladahii kala danbeeyey aragtidii gobanimodoonka ay qaranka ku hagayeen shacbiguna raali ka ahaa in karaamada iyo sharfta wada jir u difaacdaan,waana sida qaran lagu dhiso dawlad iyo shacab kalsooni ku wada shaeeya,taas baana sababtay in aan mudada aan kor ku xusay dhisno qaran ka hormaray dawladahii xoriyada uga horeeyey iyo kuwii ku filka ahaa,waxaan lahayn cudud ciidan oo gaamurtay Cir,dhul iyo bad aan cidina loodin Karin cadaw kasta oo dalkaan lahaana candhuuftiisa dib u liqay,waxaan kale oon ogayn dhaqaalihii isku filaanshaha ee abuuray cudud shaqaale oo sanad kasta koreysa oo qof kasta oo tacliinta sare dhameysta sida d/sare iyo Jaamacadaha aysan dalka shaqa la,aan ku noqon jirin ee loo sii diyaarin jirey halkii ay u shaqa tegi lahaayeen.arintaas aan ku daayo in aan ahayn qaran koraaya oo gaaray meel aan la malaynayn.

Arintaas waxay soo dedejisay in cadawgeena oo caddaan iyo madowba lahaa awoodooda iskugu geeyaan in dib naloo celiyo oo la baabiyo wax kasta oo hormar aan samanay,aan is weydiino ,sidee ugu suurtowday cadwgu in uu na burburiyo asaga oo aan nagu soo duulin oo aan dhiig uga daadan ,dhaqaale badana uga bixin?
Jawabtu waa gaban tahay waana wada ognahay in ay ahayd qabyaalad ee maxaa xigay? Markii dhan kasta nala ka baabiyey waxaa qorshahiisa ka mid ahayd in aanaan dib u soo kaban,dhammaan heerarkaan aan soo marnay ayyaga ayaa ka danbeeyey,kuwaas oo ahaa sidatan:-
!-Qabqable ama dagaalooge ninba gobol goostay.

2-Waxaa la barbaaryey inta dagaaloogayaasha hawsha hayeen Kooxdiimeedyo,kuwaas oo dhammaan goboladii oo dhan ka bilaabay dagaal markii la arkay in dagaaloogayaashii isku soo dhawaaanayaan,kuwaas oo ilaa hadda loo adeegsanaayo in aan qaranka Soomaaliyeed soo noolaaan dhibiina sii laba jibaaray miyyi iyo magaalaba,waxaadna ku garan ,curyaaminta dhaqaalihii miyiiga ee xoolaha nool oo ay dhacaan dhalinyaradii dhaqi jirtayna ciidan ahaan u qafaashaan iyo dhirtii daaqa xoolaha oo ay xaalufiyaan oo dhuxul u bedelaan,arintu waa yey dhana u ciirsan ee garta ama hagaranina.

3-Dawladahii ku meelgaarka ahaa baa ku xigay in ay wax qabtaan looguma talagelin,waxaana mar kasta la keenaayey mid ay noo dooraan kuwii na dumiyey ,waxaana loo sameynaayey qorshe hawleed(ROAD MAP)ay ayyagu sameeyaan oo in uu wax kuu dhimo mooyaana aan marna wax kuu tarin,si aad meeshaada iyo meel ka sii liidata aad u joogto oo adan kicin.
Waxaysan fileyn cadawga dalku baa dhacay 08/02/2017,dhalinyaro Soomaalinimadu ku weyntahay baa si lama filaan ah ku soo baxay baarlamaankii wax yar taariikhda sare la doortay,kuwaas oo dhammaan qorshii cadawga Soomaaliya oo dhaqalaha badan ku bixinaayey shaqsiyaadkii ay wateen beenteeyey waxayna doorteen Madaxweynaha Maanta hoggaaminaaya Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahim Maxamed (FARMAAJO),wakiiladii cadawga goobta u fadhiyey oo kuraasta dhulka uga daatay baa noo muuqday shaashadaha,kuwii khatarta dalka ku ahaana waa ka huleeleen,madaxweyne Farmaajo wuxuu shaqo ku bilaabay in beesha caalamaka iyo dawladaha deriska intaba ku canaantay in fargelinta shisheeye laga daayo Dalka Soomaaliya,waxay u ahayd dharbaaxo cadawga dadka Soomaaliyeedna farax.

Aan soo gabagabeynee ilaa maalintii la doortay Maxamed Cabdullaahi Maxamed (FARMAAJO) dagaal aan kala go,lahayn baa nagu socda si loo demiyo toosh ama ileys u bidhaamaya dhammaan ummadda Soomaaliyeed,waxaa adag si aan uga baxsano dabino badan oo ay horey u dhigeen,kuwaas oo ah Federaal iyo dawlad goboleed leh madaxwenayaal,wasiiro,tastuuro ,baarlamaano iyo ciidamo ugaar ah oo loo sameeyey qaab beeleysan(WAA QABYAALADII OO AAD LOO XOOJIYEY LA SAHASHADAY SI LOO ADEEGSADO HADDII DHINACA SOOMAALINIMADA LOO BAYRO),waxaana marag ma doontaa kooxda manta joogta Abuu Dubie ee uu hoggaaminaayo Cabdiweli Gaas oo danta Soomaalida iyo tan Puntilaand ka hormaroyey tiisa,bal is weydiiya waxa uu ulajeedo dawlad dhexe wax la yiraa ma jirto oo dalkaan xukunta puntilaand anaa madax u ah iyo Xamar Soomaaliya maaha,waxaan isweydiiyey ma Abuu dubie baa Soomaaliya ah haddii Xamar Soomaaliya noqon weydey?Jawaabta waxaan u daynayaa dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadaba gaar ahaan shacbiga puntilaand iyo Jubalaand,waayo Axmed Madoobe oo qoslaaya baa ag fadhiyey Gaas,waxaana ka xumahay in aan ilaa hadda banaanbax ayan uga jawaabin shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan labada maamul ee aan gaarka u magacaabay,waayo waa duulaan qaawan oo nala ku soo qaaday,waxaana la adeegsanayaa xeeshii horay loo bartay ee qabyaalada(DOQON BAA GOD LABA JEER LAGA QANIINAA),

WABILAAHI TOWFIIQ
Abdullaahi JImcaale
Faarax.saanyar30@hotmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.