Ardayda kasoo jeedda deegaannada jubbooyinka gaar ahaan gobolka Gedo ayaa maanta ku wareejisay buugaag gaaraysa ilaa 100 buug Maktabadda guud ee Degmada Garbahaarrey Gobolka Gedo.
Waxaa ammaan iyo xusid mudan in ay noqdeen ardaydii ugu horreysay ee ka soo jeedda gobolka Gedo waxna ka barata qurbaha oo buugaag soo gaarsiiso maktabadda guud ee Garbahaarrey.
Hawl-wadeennada Maktabadda Garbaaharay ayaa waxay ugu mahad celiyeen Ardaydii soo gaarsiisay Buugaagta Maktbada garbaaharay waxa ayna ugu baaqeen dhamaan bulshada iyo ardayda in ay kaqayb qaataan taabba gelinta iyo dardargelinta maktabadda.
Leave a Reply