Madaxwaynaha Puntland oo qaar kamida Wasiiradiisa Xilka ka qaaday

gaas

Madaxwaynaha Puntland ayaa shaqada ka eryey Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Kaluumaysiga iyo 6 qof oo shaqaale ah oo Musuq maasuq iyo wax is dabamarin lagu eedeeyey .
Xeer Madaxweyne Lr. 54 May 2, 2018, kuna saabsan shaqo ka eryid.
Madaxweynaha Dawladda Puntland
Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu Arkay: Baarista ka soo baxday guddiga baarista iyo soo bandhigista xogta musuqmaasuq iyo maamul xumo ee lagu magacaabay digreetada Madaxweyne MW/DPS/247/04/04/2018
Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Guddiga
1. Waxaa shaqadii laga eryey Madaxda iyo shaqaalaha hoos ku qoran:-
1. Maxamuud Maxamed Cali (gabax)
Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda
2. Cali Xirsi Faarax Maxamuud
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
3. Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid Fay Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
4. Maxamed Siciid Cartan (Balcad)
Agaasimaha waaxda Kalluumaysiga ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
5. Cabdicasiis Axmed Jaamac
Xiriiriyaha Gobolada ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda
6. Cabdi Salaad Maxamuud (Radoofe)
Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
7. Casayr Yuusuf Maxamuud
Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynu, wuuna saxeexay madaxweynuhu
-DHAMMAAD-

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.