Nin Qoyskiisii ku laayey Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya Nin hubeysan inuu ku laayay Qoyskiisa oo ka koobnaa 4 qof kadibna waxaa la sheegay in isaga is dilay.

Ninka dilka geestay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdul qaadir Caddaan waxaana dadka uu dilay lagu kala magacaabaa Xaawo Maxamuud Caddaan oo ah Walaashiis, C/llaahi Maxamed Yalaxow iyo Maxamed Tuur-yare oo ay Ilmo Adeer ahaayeen iyo Xaaskiisa oo lagu magacaabo Xaliimo Xuseen Cali Kowshe, intaas kadib ayaa la sheegay in isagana Istoogtay ninka dilka fuliyay.

Lama oga sababta ka dambeysay Arintaan waxayna laamaha amaanka sheegeen iney Baarayaan falkaan naxdinta leh ee ka dhacay Degmada Wadajir ee gobalka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.