Shir Dag Dag ah oo Golaha wasiirada Somaliya Yeesheen iyo Mahad Cawad oo hortagay Wasiiradda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta shir-guddoomiyay shirkii aan caadiga ahayn ee gollaha wasiiradda Soomaaliya, waxaana looga hadlay Xaaladda fatahaada wabiyadda Jubba iyo Shabelle, Anxisinta Hab-Maamuuska xeerka lagu aas aasay Midowga Baarlamaanka Africa, Amniga dalka iyo warbixin ku saabsan shirkii arrimah amaanka ee Belgium.
Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahdi Cabdalle Cawad ayaa gollaha u soo bandhigay xeer khuseeya Midowga Afrika, kaas oo ay ku midaysan yihiin dhammaan barlamaanka Qaaradda Africa, waxaana shir-guddoomiye u ah Soomaaliya. Dood iyo falanqayn dheer ka dib gollahu waxay isla gartayn in si deg-deg ah loo ansixiyo xeerkan, si dawladda soomaaliya ay xubin uga sii ahaato midwaga baarlamaanka Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.