Wasiir Khadiijo oo lagu soo dhaweeyey Dalka Kuwait”Sawiro”

Wasiiradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa si diiran waxaa garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Dhalinyarada Dhaqanka iyo Ciyaaraha Dalka Kuwait iyo Siihayaha Safaaradda JFS ee Kuwait Mudane Abiib Muuse Faarax oo ay wehliyan qaar kamid ah diblomaasiyinta Safaaradda.

Wasiiradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo casuumad rasmi ah ka heshay dhiggeeda Dalka Kuwait ayaa ka qeybgali doonta Xaflad ballaaran oo lagu soo gunaanadayo muddoheysta Caasimadda Dhaqanka Carbeed oo magaala Madaxda Kuwait “Al-Kuwait” ay soo heysay tan iyo sanadkii 2016.

Dowladda Soomaaliya Iyo Kuwait ayaa waxaa ka dhaxeeyey xiriri walaalnimo oo qoto dheer, tobonkii maalin ee ugu dambeeyay ay Dalka Kuwait booqashooyin kala duwan ku tageen Wasiiradda kala ah Mudane Maxamed Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dalkeena, Siihayaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ahna Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Cisman Libaax Ibrahim.
Arrimahan oo dhan ayaa muujinaya in Xiriirka Soomaaliya iyo Kuwait uu aad u sii xoogeysanayo iyadoo Safaaradda JFS ee Dalka Kuwait ay kaalin mug leh ka cayaareyso xoojinta Xiriirka laba dal ee
walaalaha ah.
khadiijo

khadiijpo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.