Buugaagta laga qoray Taariikhda waxay isugu jiraan kuwa ka hadlo, Magaalooyin, Dowlado, Qowmiyad iyo Taariikh guud. Waxii ka danbeeyey Qarnigii 8aad ee hijriga waxaa aad usoo xoogaystay Buugaagta laga qoro Qaabiilka iyo Taariikhdooda si gaar ah, Waxaana loo bixiyey ” Taariikhda qoysaska”.
Wadamada Yamen iyo Ciraaq ayeey si gaar ah ugu xoog badanyahay cilmiga wax- qorida Qoysaska, iyo Taariikhdooda. Ayadoo Maktabada gaar ah looga sameeyey Dalka Yamen.
Soomaalida oo lagu tiriyo wadamada aan waxba qorin ee isticmaalo hanaanka Taariikh kaydin afeedka ayaa ah kuwo ugu yar ee wax ka qoro cilmigaas.
Ilaa inta aan baaritaankaan ku jiray waxaan Aqriyey labbo Buug oo laga qorey Qabaailka Ciisaha ee reer Djabuuti iyo Buug laga qorey Taariikhda Ogaadeenka oon la daabicin iyo far-guri ka sheekeenayo Taariikhda Samaale. Lkn Dr Maxamad xuseen Macalin Cali oo wax badan ka qorey Taariikhda PHD ka haysto Falsafada Taariikhda ayaa Buugaag cusub oo qabiilka ey ka qoreen Soomaalida ku daray markuu faalada saarayey Buuggaan.
Buuggaan cusub ee ka sheekeenaayo Taariikhda gaar ah ee Beesha Mareexaan, waxuu soo xiganaayaa Far-guriyo
“ Makhduudooyin” aan wali la helin oo Qoraaga soo aqriyey, waxaana ku qoran xogag Dood Cilmiyeed iyo baartitaan dheeraad ah dhallinayo.
Buugga Waxuu faallo ka bixinayaa Buugaagta laga Qorey Taarikhda, Qabaailka si guud, gaar ahaan Soomaalida. Waxuuna sidoo kale lafa-gurayaa Dooda Isirka Daaroodka asagoo isticmaalayo far-guriyo Qarniyo ka hor la qoray, iyo gabayo aan qorneen intaba.
Sidoo kale waxuu ifinayaa Xariirka ka dhaxeeyo Daaroodka iyo Qabaailka Mahariga ee reer Yamen oo la isku qaldo, iyo Qabaailka Daaroodka ah ee Cumaan dagan.
Buugga waxuu xooga saarayaa Halgankii Xabashadii ee Qarnigii 16aad iyo Boqortooyadii Mareexaanka ee ka dhisneed Harar. isagoo shegaya Taariikh noolaleedkii Boqoradii xukumay Harar ee Mareexanka ahaa qaybo kamid ah. Waxaana lagu qiyaasaa ilaa 13 Amiir.
Waxuu kaloo Buugga ka sheekeenayaa Kacdoonkii Daraawiishta, Halgankii Africa, Dagaalka isticmaarka iyo kaalintii ey Mareexaanka ku lahaayeen. Asagoo sidoo kale diirada saarayo firxadkii soomaalida Qarnigii 17aad ee koonfurta Soomaaliya, iyo dagitaankii Gobalada Jubbooyinka.
Markii laga taga Mareexaanka Buugga oo ka Taariikheenayo waxaa kaloo ku xusan Taariikhyo badan oo qabaailka Soomaalida ah, waxaana kamid ah Dagaalka Ijada iyo Ajuuraanka,iyo cidii ka qayb-qaadatay. Harar iyo Boqortooyadii Soomaalida, Hayaankii jubbooyinka ee qabaailka Daaroodka, Dirta, Shiiqaasha iyo qabaail kale .
Waxaa kaloo Buugga ku xusan Taariikh noolaleedka 27 qof oo isugu jiro Boqoro, sida Axmed gurey, Amiir Nuur, dhalxe “Talxe” , Cabaas, Cali binu daa,uud, Sheikh aabdir Muuse warjacle, Boqor Maxamad Daa,uud.
Siyaasiyiin ey kamid yihiin Aadan law, Maxamad Siyaad Barre, Cali Mataan Xaashi, Farmaajo imw …,
Abwaano ey kujiraan Guuleed jocfe, Faarax Xuseen sharmaake, Cabdi galayax, Faarax Afcad, Shire jaamac, Yam-yam, Adan dinax Xasan kooshin, Axmad nuur aadan dinax. Culimo sida Sheikh xasan mareexaan, sheikh aadan sheikh cabdulaahi imw.
Nabadoona Caan ah sida Bayow, Hadal-wanajiye, Maxamuud xarbi iyo Dad kale oo badan.
Ugu danbeyn: waxaan ummahad ceilnayaa Dr Maxamad xuseen macalin cali, macallinka Taariikhda iyo ilbax-nimada oo saaray Taqdiimka Buugga, Dr Anwar axmad mayow oo saxay buugga, dibna u muraajaceeyey waqti badana galiyey runtii.
Waxaan kaloo ummah-celinaa cid kasta oo gacan ka gaystay buugga si gaar ah yuusuf cumar oo Cover-ka Yamen iiga soo sameeyey, iyo Maxamad Cabdi Caafi oo Qarashka daabacada bixiyey.
F.G. buugga waxaad ka heleesaan maktabadda Zaylac ee Muqdisho, iyo Maktabadda Garbaarey.
Waxii arragti ahna waxaad iigu soo diri kartaa Calisomali400@gmail.com si daabacada danbe aan uga faa’ideesto.
Leave a Reply