Dhagayso:Cambaaray loo soo jeediyey Axmed Madoobe oo Ardayda Iskuulada Kismaayoku qasbay inay soo dhaweeyaan

axmed madoobe

Waxaa Magaalada Kismaayo Xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland soo gaaray Madaxwaynaha Jubbland Axmed Madoobe oo Mudooyinkii dambe dalka dibada diisa ugu maqnaa Dano asaga u gaara, waxaana Garoonka doyaaradaha Kusoo dhaweeyey Ardayda Dugsiyada Kismaayo kuwaas oo lagu qasbay inay ka joogaan iskuuladii ay aadi lahayeen oo badalkeeda soo dhaweeyan axmed madoobe.

Hadaba Musharaxa Madaxwaynaha jubbaland Cabdi Maxamed warsame “deeq faandhe” ayaa waxuu cambaarayn usoo jeediyey si foosha xun ee Madaxwayanaha jubbaland Axmed Madoobe ula dhaqmay Ardayda wax kabarata iskuulada Magaalada Kismaayo kuwaas oo waxbarshadii ay aadi lahaayeen ama imtixaanadii ay gali lahaayeen loodiiday oo badalkeeda lagu yiri soo dhaweeya Axmed Madoobe.

Musharaxa Madaxwyanaha Jubbaland deeq Faandhe ayaa waxaa kaloo sheegay inay nasiib daro tahay Madaxwaynaha juubaland oo ku dhawaad sadex bilood dalka dibadiisa arimiihsa gaarka ugu maqnaa ayadoo shacabkii jubbaland ay haystaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin fatahaada wabiyada jid gooyooyinka alshabab inuu manta ugu daray in iskuuladii laaadi waayo asaga soo dhaweyntiisa lagu mashquulo.

waxaa kaloo Musharax Deeq faandhe ugu mahadceliyey dowlada Soomaliya sida wanagsan ay uga gurmatay dadkii wabiyada ku fataheen gaar ahan kuwa Gobolka Gedo oo ay indhahooda kusoo arkeen fatahada wabiyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.