Munaasabadda caleema saarka guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta ka socota Magaalada Muqdisho.
Madaxda ugu sareysa dalka ayaaa lafilayaa in ay ka qeybgalaan Munaasabadda caleema saarka Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya,sido kale waxaa ka qeyb galaya xaflada wafuud caalami ah iyo xubno ka tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa la doortay 30-kii Bishii lasoo dhaafay ee Apriil,iyadoo ay horyaalaan howlaha ugu muhiimsan ee horumarinta hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.
Leave a Reply