Ilaalada Axmed Madoobe oo Xabsiga u taxaabay Sahra Maxamed Qoraal ay ku taageertay Dowlada Soomaliya

sahra

Magaalada Kismaayo ayaa waxay Noqotay Xabsigii Shacabka Jubaland waxaana xabsiyada Kismaayo ka buuxa qaybaha kala duwan ee Bulshada Jubbaland kuwaas intooda badan aan gaysan wax dambe ah waxa kaliya ee Xabsiga ay ku mutaysteen ayaa ah inay qoraalo ama hadalo uusan jeclaysan Axmed madoobe iyo kooxdiisa qoran ama bulshada lawadaagaan.

Maamulka Kismaayo Ayaa Xabsiga u taxaabay Sahro Maxamed Yuusuf Oo ah gabadh dhalinyaro ah Oo Ku nool Magaalada Kismayo kana mida shacabka Jubbaland Sahro Ayaa Lagu haystaa qoraal ay ku qortay Facebook oo Lagu Taageerayo Dowlada Somaliya.

Kooxda Jeel iyo Jirdil ee uu Hogaamiyaha u yahay Axmed Madoobe ayaa Xabsi gaar ah gaystay Sahro lamana oga Xalada ay ku sugan tahay Sida aan Xogta ku maqlay waxaa laga watay Sahro Suuqa xili ay Adeeg asy Xaafada u soodoontay.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Dil iyo dhaawac loogu gaystaa Haweenka Soomaliyeed gaar ahan kuwa Jubbaland.

sahra

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.