Axmed Madoobe oo udhoofay Baydhabo Halka uusan wali Booqan Shacabkii ku waxyeeloobay Fataahada Wabiga Jubba

axmed madobe

Madaxwyanaha Jubbaland Ayaa Hadda U anba Baxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay oo ka furmayo Shirka Madaxada maamul Goboleedyada Soomaliya, Axmed Madoobe ayaa wali booqan dadkii waxyeelada kasoo gaartay Fatahada wabiga Jubba sida Magaalooyinka Baardheere, Luuq iyo Doolow.

Dhawaan bay ahayd markii wafti uu hogaaminaayo Raysawsaare kixgeenka Soomaliya ay gaareen gobolka Gedo si ay usoo arkaan qasaaraha uu gaystay Fataahada Wabiga Jubba waxayna gudoonsiiyeen deeq lacaga iyo Baco laga galo Roobka.

Madaxwyanaha Jubbaland ayaa waxuu ku eedeeyey Waftiga Gurmadka fataahada Soomaliya ee Tagay Gobolka Gedo inay daaqada kasoo galeen Maamulka Jubbaland, hadalkaas kasoo yeeray Axmed Madoobe ayaa ka caraysiiyey Shacabka iyo siyaasiinta Jubbaland kuwaas oo cambaareeyey Hadalkii kasoo yeeray Axmed Madoobe.

Hadaba booqashada uu Axmed Madoobe ku aaday Baydhabo asagoo tagin gurmadana u gayn shacabka jubbland ee wabiga Jubba waxyeeleeyeen ay kasii caraysiinayso shacabka Jubbaland oo markii horaba u arkaayey kali taliye qab qabla ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.