Madaxweynaha Ummada Soomaaliyeed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dalka Qadar.

Madaxweynaha Jamhooriyadda Federaalka Soomaalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow u ambabaxay Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar, Madaxwaynaha Soomaliya ayaa magaalada Dooxa uga bilabaneyso Booqasho rasmi ah oo qaadaneyso labo maalmood waxuuna la kulmi doono Amiirka Dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Waxaa Madaxwaynha ku waheliya Socdaalkiisa Xubno ka tirsan Golaha Wassirada oo kala ah Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ,Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Qorsheynta oo wafdiga Madaxweynaha uga sii horeeyay Dalka Qadar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.