Qurba joog deeq lacaga Soo Gaarsiisay Maktabada Garbahaaray”Sawiro”

Garbaray

Maktabada Garbaaharay ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira Baahiyo kala duwan sida Buugaagta,Computarada iyo dhismaha Maktabada oo u baahan Dhismo.

Hadaba Baahiyahaas ka jira Maktabada Garbahaaray ee Gobolka Gedo ayaa waxaa kasoo jawabaay Cali Yaasiin oo kamida Qurba joogta asagoo ugu deeqay dhaqale wax looga qabanayo baahiyaha ka jira Maktabada Garbaaharay.

Cali Yasiin waxaa kaloo kulan casho-sharaf iyo is-xogwareysi oo ku saabsan arimaha maktabada la qaatay Maamulka iyo Hawl wadeenada Maktabada Garbaaharay.

Maamulka Maktabada Garbaaharay ayaa uga Mahadceliyey Cali Yaasiin sida wanaagsan ee uga qayb qaatay Horumarka Maktabada Garbahaaray, waxayna Qurbajoogta iyo dadka jecel wanaaga ugu baaqeen inay ka qayb qaataan dhameystirka Maktabada Garabaaharay.

Cali yasiin ayaa noqonayo qofkii ugu horeeyay oo Qurbo-joog ah oo ka qey-qaato dhameystirka maktabada Garbahaarey.
Garbaharay

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.