Gudoomiyaha Golaha watashiga Jubbaland oo loo Doortay ugaas maxamed wali Sheekh Axmed Nuur”Sawiro”

jubad

kulankan oo ka dhacay muqdisho isla markaana ay ay isugu yimaadeen waxgaradka, aqoonyahano siyaasiyiin ka soo jeeda Maamulka Jubaland ayaa ujeedadiisa ahaa mid looga dhawaaqayey “Golaha wadatashiga Jubbaland”.

Waxaana Masuuliyiintii ka soo qeyb galay kulankaasi ay sheegeen in golahan maanta lagu dhawaaqay uu yahay mid ay isku raacsan yihiin dhamaan dadweynaha daga Jubaland .

Ugu dambayn kulankan Muqdisho ka dhacay ayaa laga soo saaray war saxaafadeed .

Baaqii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Jubbaland Oo Lagu Qabtay Magaalada Caasimada Ee Muqdisho Maanta Oo Ay Taariikhda Ku beegan tahay 15-05-2018.

Goluhu wuxuu isgu taagay inuu Talooyin ka bixiyo sidii xal waara looga gaari lahaa arimaha siyaasada ee maamulka jubaland .

Maamulka Jubaland oo bilowgii hore ku talaabsaday hormar la taaba karo sida dib u heshiisiinta beelaha iyo amniga jubaland, waxaa muuqata in maamulka hada uu ka weecday dariiqadii saxda ahaa ee lagu gaari lahaa hormarka, cadaalada iyo sinnan ka hana qaada jubaland .

Maamulka Jubaland oo ku caanbaxay Musuqmaasuq, eex, qaraabo kiil, caburinta saxaafada mdaxa banaan iyo afkaarta shaqsiga ah ee aan jirin qof dhaliili kara Maamulka Axmed Madoobe qofkii ku hadla wax aanu raali ka ahayn mamaulka axmed madoobe wuxuu mudanayaa xabsi iyo masaafurin laga musaafurinaayo jubaland.

Goluhu wuxuu u istaagay inuu iftiimiyo Dhaliilaha jira uuna soo jeediyo talooyin xal u noqon kara dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jira Jubaland.

si looga baaqsado khal khal siyaasadeed oo soo wajaha maamul goboleedka jubaland goluhu wuxuu soo jeedinayaa digniino iyo baaqyo ku saabsan arimaha ku saabsan xal u helida arimaha jubaland.

1-Goluhu wuxuu ugu digayaa madaxweynaha iyo baarlamanka juabaland inay kororsadaan wakhtiga ay joogayaan xafiiska taasoo keeni karta qalalaaso siyaasadeed oo soo wajaha jubaland.

2-Goluhu waxa uu maamulka jubaland ugu baaqayaa inuu joojiyo ku tagrifalka awoodeed ee uu caadeystay inuu ka talaabsado sharciyada u dagsan jubaland.

3-Goluhu waxa uu ugu baaqayaa maamulka axmed madoobe inuu joojiyo xaalufinta dhirta uu jaraayo iyo dhoofinta dhuxusha ee ka socota deeganada jubaland .

4-Goluhu waxa uu si buuxda u taageerayaa go’aanadii ka soo baxay shirkii lagu qabtay magaalada muqdisho ee u dhaxeeyey dowlada federalka somaliya iyo United Nation-ka Shirkaasi oo lagu mamnuucay jarida, gubida iyo dhoofinta dhuxusha soomaliya.

5-Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka jubaland inay ka fogaadaan waxkasta oo wax u dhimi kara Nabadda iyo xasiloonida jubaland.

6-Goluhu waxa uu dowlada somaliya ugu baaqayaa inuusan ku dag dagin taageerida hal-musharax ayagoon soo dhameystirin musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha jubaland.

7-Goluhu wuxuu soo dhaweenayaa kuna amaanaya dowlada federalka somaliya taagerida ay u fidisay deeganada ay wax ka soo gaareen fatahaadii labada wabi ee gobolada hiiraan iyo gedo sidoo kalena goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan dhibaatooyinka ka dhashay fatahaada wabiga shabeele.

jubada jubald jubaland jubaland jubalnd jubad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.