Akhriso:Maamulka Jubbaland oo beeniyey in Xilka Laga qaaday Gudoomiyaha gobolka Gedo, Gudoomiyaha iyo kuxigeenkiisa Degmada Baardheere

axmed madoobe

Maanta ayaa ahayd markii warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe lagu sheegay in xilka laga qaaday Gudoomiyaha gobolka Gedo, Gudoomiyaha iyo kuxigeenka Degmada Baardheere kadib markii ay ka dhaga adeegeen inay fuliyaan amaro kasoo baxay Madaxwaynaha Jubbland.

Hadaba Barta facebooga Telefishinka Jubbaland ayaa lagu sheegay inay been tahay warqada la sheegay in xilka looga qaaday Gudoomiyaha gobolka gedo iyo kuwa Degmada Baardheree qoraalkana waxuu u qornaa sidaan.
Dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya waxay halkan shacabka reer Jubbaland uga cadeynaysaa in labadan waraaqood ee sawirkoodu hoos ka muuqdo laguna sheegey in xilalka lagaga qaadey Gudoomiyaha gobolka Gedo iyo Gudoomiyaha Degmada Baardheere iyo ku xigeenkiisa ay yihiin been abuur waxbana kajirin.
Shacabweynaha Jubbaland waxaan ugu baaqeynaa in laga fiirsado la iskana hubsado waraaqaha noocan oo kale ah ee lagaga been abuuranayo xafiisyada kala duwan ee Dowlada Jubbaland .

jubaland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.