Guddoomiyaha gobolka Benaadir ayaa maanta daah furay mashruuc lagu afurinayo 15 kun oo ruux

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta daah-furay olole lagu afurinayo 15 kun oo qoys. Maamulka Gobolka Banaadir ayaana Sanadkii labaad afurinaya Bulshada danyarta ah ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in barnaamijkan uu gobolku sameeyay markii uu arkay baahida loo qabo iyo sida ay lagama maarmaan u tahay gacan qabashada dadka danyarta ah. Isagoo uga mahadceliyey Hay’adda Samafal Bulsho doorka muhiimka ah ee ay arrintan ka qaadanayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.