Soomaliya oo sheegtay inaan wada hadal laga Galayn Kenya dacwada Bada Somaliya

bad

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuusan jirin wada xaajood ay Kenya kala yeelatay Dowladda Soomaaliya dacwadda Badda ee horay loo geeyey Maxkamadda caalamigaah ee Hague.

Wasiirka arimaha dibada Soomaliya ayaa xaqiijiyey inaanu jirin wax wada hadal rasmi ah oo Kenya iyo Soomaaliya ay ka yeesheen in waddo aan Maxkamadda Hague ahayn lagu xalliyo khilaafka Soohdinta Badda ee Labada Dal ka dhexeeya.
“Kiiska dacwadda Badda ee inaga dhexeeya Kenya, waxa uu inoo joogaa maxkamadda caalamiga ah ee Hegue, waxaan idiin xaqiijinayaa inaanu jirin wax intaas ka baddalan oo Kenya na dhex maray, ingoo ixtiraamayna darisnimada naga dhaxaysa” ayuu yiri Mudane Cawad.

Hadalka wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa jawaab u ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, oo todobaadkan sheegtay inay jiraan wadahal ay madaxda Soomaaliya kala yeesheen arrimaha muranka Badda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.