Xogta Fatahaada siyaasadaysan iyo Qormo Tilmaamaysa Sanad Barwaaqaa.W/Q Maxamed Mowliid

mowliiid

○ Mucaarad ○ Muxaafad

Waxaa mahad Dhamaanted Iskaleh Eebe wayne waxaana hubaala In Nimcooyinka eebe noogalay ay Badan yihiin Islaam nimaduba Ha ugu saraysee.

Roobabka Kada Ayay Somaliya iyo barriga Africa guud ahaan waxay sababen Fatahaado katimi Awood Darideena qaybaha ugu badan aan anagu usabab ahayn (Burburki Dowladdi dhexe).

Waxaan Halkan Oga tacsiyaynaya qoysas ka Fataahdu Si qaasa iyo si guudba usaamaysay Naf iyo maalba, waxaan leenahay Badal khayr qaba Allah idiin ku badalo.

○ Mucaaradka

Wakhtigan Casrigaa waxaa Sahlan in wax lamucaarado waan Xuquuq dastuuriya oo qofku uleeyahay xaq.

Dhaleecayta Fataahadda Wabiyada Jubba iyo Shabeele iyo Dhulka Riinfeerkaa(Dhul Roobaadka) Qaasatan Caasimada Somaaliya oo 24 saac ee udambeey ay kada’ayeen roobab mahiigana waxaa loo fasiran karaa laba Oraah.

B- Mucaaradayn Siyaasadaysan( Awr ku kacsi) Lagana leeyahay Dan qaasa(Dan shaqsi) laguna hor istaagayo dadaalka Dowladda dhexe ugu jirto Aruurinta Cashuuraha Laga qaado Muwaadiniinta Somaliyeed qaasatan kuwa kunool maskaxda ama ubucda Somaaliya ee Moqdisho.

Canshuurahaas oo Dowladdu qaybaheeda kala duwan u isticmaasho dhaqaajinta iyo Hagidda haayadaha Dowligaa ee Dalka kajira.

Halkaas waxaa kamuuqata dhaliil wayn oo ay mucaaradku kaga khaldan yihiin Dowladda waliba markay imaato isku dhufashada Dowladda iyo shacabka Somaliyeed.

T- Mucaaradayn Shacbiyaysan(Dan Guud)

Waa mucaaradada Ku salaysan Toosinta iyo Faridda Amaro Baahi shacab Ee taagan, Nimca kastaayi waxay leedahay Nusqaanteeda waana lama huraan In Dowladdu utoog iyo tacab lahaataa Dadka ay Masuulka katahay.

Waxaa jiray Amaan dhaliil wadatay oo soo baxaysay 5tii sano ee udambaysay ayaa Ahayd laamiyo quruxbadan oo laga hirgaliyay Caasimada Somaliya kuwaas oo isugu jira
b- Malgalin Dowlo
t- isxilqaan bulsho
j- Deeq Dowladdo

Dhisidda Laamiyadaasi waxay Fududeeyen Isku socodka Dadka iyo Gaadiiska isaga Goosha Caasimadda, iyo Bilicda Caasimada ooy qayb lixaada kaqaateen.

Waxaase markaste soo baxayay Dhaliilo Ah Biyo qabatino waawayn oo kasamays mayay shaaricyada waawayn ee caasimada kuwaaso sababayay Go’idda Isku socodka Gaadiidka iyo burburka laamiyaddii lagashay dhisidooda juhdiga badan.

Farida mucaaradku farayo Samaynta Dhuumo biyaha dhaafiya wadooyinka iyo xaafadaha magaalada waa arrin daruuriya loona baahan yahay inay dowladdu dowrkeeda kaga aadan kasoobaxdo.

Waana dhaliil Lagu garab istaago mucaaradka haday saas ula jeedan.

○ Muxaafad

Waxaa muuqata muxaafad kastaa ee dowladdu leedahay wuxuu isugu jiraa.

b- Muxaafad maskaxeed

Muxaafad Dowladda ka yureeya horarka doonaya inuu xidido-siibo,
Kana horjoogsada Dowladda Khaladaadka kadhacay inay soo laa laabtan.

Muxaafad kaani waa mar la’arag waana Muwaadin wakhtibadan mudan in lagaliyo dhagaysiga aragtidiisa si dalku ugu tilaabsado Hormarro waawayn.

t- Muxaafad Martiyeed

Waa muwaadin Dowladda taageera sax iyo khalad kay dowladdu latimaado, waana cudur kamidda Cuduradda Dowladaha mucaasirkaa ay Eedaan Markay baneeyaan Kuraasta.

Culimadda Siyaasaddu waxay ku sheegaan inuu kaxun yahay mucaaradka Mutaxan ee Dowladda Sax iyo khalad dhaliila.

Gabo Gabo.

Caasimadu waxay ubaahan tahay Bulaacadayn iyo biyomareeno casriya waana hawl utaal Shacab iyo Dowlad ba.

waxayna hoos udhigaysaa Fatahaadaha, Burburka wadooyinka, Dhimashada Dadka saboolka.

WQ: Mohamed Mowlid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.