Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod ayaa ka digay in ay Magaalada hub ku dhex wataan ciidamada aan ka mid aheyn kuwa xasilinta ee loogu talo galay amniga Caasimadda, Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada kale ee dowladda looga baahan yahay in ay xeryahooda ku ekaadaan si aan look ala garan waayin kuwo lidiga ku ah amniga iyo ciidamada kale.
“Waxaa muhiim ah in ciidamada aan aheyn kuwa amniga in ay xeryahooda ku ekaadan si aan look ala garan waayin kuwa amnidararda wada,xaqiiqdii in ay iyaga oo la ogyahay oo faax soo qaatay uu soo baxo laakin askarigii aan fasax la’aan soo baxa loona soo gudbiyo ay tallaabo qaadi doonaan,waxana lagu qaadayaa qodobka ah qalqal gelinta xasilinta amniga ayuu yiri.
Leave a Reply