Maqaal Xiise Leh Allihii Baa Alle ah W/Q Maxamed Muxyadiin Maxamed.

maqa

ALLIHII BAA ALLE AH

waxaan garan la ahay soomaalida iyo diinta cidda isku dirtay oo dadka diinta nacsiisay, markaad u fiirsato suugaanta soomaalida waxaa ka buuxa gaf iyo aflagaado ay diinta ka galaayaan, culimada islaamku waxay dhahaan hadaad aragto qof diinta caayaya wuxuu u socdaa inuu eebbe wayne caayo, hadaad aragto culimada  qof caayaya rasuulkuu ijeedaa, fahanoo ninka diinta wax ka sheegayo macneheedu waxaa weeye cidii diintan dajisay nuqsaan ayaa ku jirta, haad aragto nin culimada saaran oo cay iyo aflagaado u gaysanaya wuu ka afgobaadsanayaaye rasuulkuu u jeedaa, illaan culimadu waa gaadhsiiyeyaal oo rasuulkii ayey fariintiisa sidaane ( scw) waxaan intii mudda ah u fiirsanayey maahmaahyo soomaalidu ay culimada ka samaysay, waxaan aad ula yaabay sida ay culimada u caayaan bal ila arag waa kuwan qayb ka mid ah e:

1) wacdi wadaad wax I siibaa u dambaysa.

2) wadaad qandi uu kurito iyo qiil uu ku banaystaba wuu wataa.

3) wadaad waa saarsaar, saarsaarna geed la’aan ma baxo.

4) wadaad baa wuxuu yidhi: bawdo caalim taabtay cadaab ma taabto.

5) oday ayaa lagu yidhi meeqa wiil ayaad dhashay: wuxuu yidhi wiil iyo wadaad.

6) waxaa la yidhi: ragga iyo dumarka kee badan? dumarkaa badan haddii wadaadada lagu daro.

7) wadaad ayaa ceel ku dhacay, ninbaa ku soo orday oo damcay inuu badbaadiyo farta ayuu ugoday wadaadkii inuu gacanta soo taago waa diiday, nin kale oo meesha joogay ayaa yidhi: war hoodhe waligii gacanta keen lama dhihine  hooduu u bartaye.

8) wadaad xagaa jooga injirta lagama qabto.

9) wadaad qaalin la siiyay qiil ma waayo.

10) fiqi tolkii kama jano tago.

11) dabayli ma jirine wadaadka dabadiisa in la arkaa idmanayd.

12) wadaad baa wuxuu yidhi: ilaahow caamada reer tolkay kuwo na ciiltira cadaabkna naga xigsada ka yeel.

13)wadaad ayaa lagu yidhi: maxaad xoolaha u qaadataa markaad dadka quraanka saarto maad iska dhaaftid ma fiicnee? Wuxuu yidhi: Awgu hadduu samro aayadaan samrayn.

14) waxay dheheen wadaad ayaa gabadh fara xumeeyay, gabadhu waxay moodaysay in wadaadadu malaa’ikta oo kale yihiin oo aan khalad ka dhicin! Ayadoo gabadh kale u sheekaynaysa ayey tidhi: walaaley illaan wadaad waa nin.

15) waxaa la yidhi wadaad ayaa adhi meel daaqaya soo dhexmaray, wuxuu ku dhex arkay wan aad u buuran oo  dharan (galaalan), cidii adhiga lahayd ayuu u yimid oo wiil sakaraad ka yahay, wadaadkii wuxuu yidhi wiilka waxaa xirsi furyo u ah wan galaalan, wan yar oo galaalan ayaa la soo qabtay, wadaadkii oo ka naxay wanka yar oo malaha rabay kii waynaa ee uu galabta soo arkay in la qalo,  ayaa yidhi: subxaana allah! Bal intuu le’egyehay ee galaalan yahay daya.

16) nin wadaad ahaa ayaa reer tolkii wuxuu ku yidhi garta barri aniga ha la ii daayo anaa galiye, odayaashii haye ayey yidhaahdeen, iyagoo wadaadka la tijaabinayo, aadna aan loogu kalsoonayn wadaadkii markuu xaajadii galay gartiina ku guulaystay ayaa mid ka mid ah raggii la socday su’aal la waydiiyey oo lagu yidhi: bal karan manta sheikh hebal gartuu galay? Isagoo ka war bixinaya wuxuu yidhi: alla muxuu nin rag ah yahay  diintaa dulaysaye.

Hadaba markaad u fiirsato hal qabsiyadan iyo maahmaahdan wadaada lagu durayo waxaa kuu soo baxaya wax aan caadi ahayn, in wadaadada  waxyaabo badan lagu sifeeyay, sida #hunguri xumo, #karti xumo, #bakhaylnimo, #mashqaystenimo, #dulsaar inay bulshada ku yihiin, tolow hadda xaal ma sidiibaa mise isbadal ayaa dhacay?

Halqabsiga aan dhigaalkan ciwaanka uga dhigay, waa weedh aan intii muddo ah ka fakarayey siday ku timid iyo sirta ku duugan – allihii baa alle ah- markaan aragno qof yare damman oo aan fahmo badnayn ennagoon is ogayn waxaa naga soo fakada eraygan #allihii baa alle ah, hadaba maxay tahay xiriirka ka dhexeeya doqonkan iyo alle oo gaar loogu nisbaynayaa ? adiga se miyaan allahaa alle ahayn, maxaadse doqonka alle ula doonataa maad fariidkaba u nisbaysid? Waxaa ii soo baxday maahmaahda shanaad iyo mida  lix iyo tobnaad iyo halqabsigan in xiriir ka dhexeeyo, ninku markuu wadaad noqdo oo uu alle barto, in doqoniimo lagu tuhmi jiray, oo dacaayadi ku bilaaban jirtay, sidaa darteedna eraygu halkaa ka dhashay.

#fiiro gaara wali mahayo maahmaah wadaada lagu amaanayo ama lagu #guubaabinayo.

WQ: Maxamed Muxyadiin Maxamed.
Gmail: saajid4045@gmail.com.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.