Askar Maraykan iyo Kenyaan dil iyo dhaawac loogu gaystay Jubbaland

usa

War kasoo baxay Wasaarada Gaashandhiga maraykanka ayaa lagu sheegay in Hal Askari oo Mraaykan ah la dilay, 4 kalena lagu dhaawacay Weerar Madaafiic ah oo ka dhacay deegaan ka tirsan Jubbaland, oo qiyaas ahaan meel 350 mayl dhanka K/Galbeed kaga toosan magaalladda Muqdisho.

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa iyagana xaqiijiyey Dhacdadaasi, Ciidankaan ayaa isugu jirtay Somali, Kenyan iyo Maraykan, kuwaasi oo ka qeyb galayey Hawlgal ka dhan Dagaalamayaasha Alshabaab.

AFRICOM waxay sheegeen in Ciiddanka Huwanta ay Alshabaab kala kulmeen Weerar Hoobiyayaal ah waxaana kaloo ku dhaawacmay adkay Kenyan ah.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa u tacsiyadeeyey qoydkii uu ka dhintay Askari la dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.