Daawo:Dowlada Soomaliya oo ku guulaystay in Xayiraada laga qaado xoolaha Somaliya ee loo dhoofiyo Dalka Sacuudiga

xoolo

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS Mudane Sheikh Nour Mohamed Hassan oo Sheegay in La qaaday Xayiraaddii Saarneyd Xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray Dalka Sucuudiga, Xoolaha Soomaliya oo xayiraada laga qaado ayaa waxaay tahay guul usoo hoyatay Shacabka iyo dowlada Soomaliyeed waana tilaabo mahiima oo ay qaaday dowlada Soomaliya.

Wasiirka Xaanaanada Xoolaha ayaa hoosta ka xariiqay in arrintaan ay timid kadib markii ay dadaal dheer u galeen sidii Sacuudiga loogu qancin lahaa in been abuur uu yahay warka la xiriira in Xoolaha Somalia ay xanuunno qabaan, Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in dhowr shir ay la yeesheen Sacuudiga kadib iyo Hay’adaha arrintaasi ay quseyso ay isku afgarteen in xayiraadda si rasmi ah looga qaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.