Xafiisyo lagu xaliyo khilaafaadka Bulshada ayaa laga hirgaliyey Magaalada Muqdisho

wasiir

Hirgalinta xafiiska xalinta khilaafaadka Bulshada ayaa laga furay degmooyinka Kaaraan iyo Xamar Jajab waxaa ay qayb ka tahay nidaamka daadajinta Cadaaladda ee ay ku howlan tahay wasaaradda Cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya waxaana qorshuhu yahay in degmooyin kale laga hirgaliyo.
Xarumaha Degmooyinka Kaaraan iyo Xamar Jajab ayaa wasiirka Cadaaladda iyo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobalka Banaadir waxaa ay kula hadleen qaar ka mid ah bulshada degmada oo ay u sheegeen muhiimada xafiisku u leeyahay.
Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab C/wali C/llaahi Maxamed ayaa ugu mahad celiyay wasaaradda Cadaaladda hirgalinta xafiiska waxaana uu balan qaaday in loogu adeegi doono bulshada reer Xamar Jajab.
Maxamed Cabullaahi Maxamed (Tuulax) Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir ayaa sheegay in gobolka Banaadir uu ahmiyad balaaran siinayo nidaamkaan wasaaraddu hirgalisay.
Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji oo u sharaxay bulshada ujeedka wasaaradu u hirgaliyay Xafiisyadaan ayaa tilmaamay in la doonayo in qof kasta ay hesho cadaalad
Wasiirka ayaa u sheegay bulshada deghmooyinkaan in muhiimada laga leeyahay xafiisyadaan sidoo kale ay tahay in lagu xaliyo cabashooyin badan oo aan maxkamadaha la geyn karin iyadoo la raacayo habka soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaaliyeed iyo shareecada islaamka.

Warbixintii warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.