Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga ee dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdirishiid Xasan cabdinuur ayaa soo gaarey degmada Luuq ee gobolka Gedo,wafdigan ayaa ka soo kicitimay degmada Doolow oo ay mudooyinkii ugu danbeeyay ku joogey howlo shaqo.
Socdaalka Wasiirka waxaa ku weheliyay Guddoomiyayaasha degmooyinka Doolow iyo Balad xaawo waxaana sidoo kale socdaalka qayb ka ah Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee gobolka Gedo,saraakiisha ciidamada daraawiishta iyo Nabad-Sugidda gobolka Gedo.
Leave a Reply