Daawo:Shir looga hadlayey Ganacsiga Soomaaliya oo ka furmay magaaladda Muqdisho

mareeye

Shirkaan looga hadlayey siddii ganacsiga Soomaaliyeed kor loogu qaadi lahaa oo uu daah furey wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeyb galey in ka badan 150 Shirkadood, iskugu jira ganacsiyada beerlayda kaluumeysatada iyo kuwo leh warshadaha yar yar iyo ganacsato u dhalatay dalka talyaaniga oo soomaalia u yimid siddii ay maagashi uga sameysan lahaayeen.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo furey kulankaan oo soconaaya labo maalmood, ayaa sheegay in muhiim ay tahay koboca dhaqaalaha dalka iyo Soomaaliya la maalgashi lagu sameeysto.

Safiirka dowlada talyaaniga soomaalia u fadhiya Danjire Carlo Campalina oo ka qeyb galay shirkaasi, ayaa sheegey in labada dowladood inuu u dhexeeyo ganacsi fog oo soo jireen ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.