Sawiro:Taliska qeybta 43-aad ee Xoogga Dalka oo xoojinaya dagaal ka dhanka ah Al-shabaab

Ujeedada laga leeyahay isbedelka hoggaanka cusub ee qeybta 43 Aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa ah in lagu dardar galiyo sidii Kooxaha Argagaxisa looga xoreyn lahaa Guud ahaan Dalka islamarkaan lagu tayeyn lahaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed .
Taliyaha Cusub ee Qeybta 43 Aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa socdaal kormeer ku tagay Degmada garbahaareey ee Gobolka Gedo hakaasi uu kula hadlay Cutubyo ka tirsan guutooyinka 10 Aad iyo ururka 50 Aad ee ciidanka Xooga dalka kuwaas oo heegan ugu jira sida ay maleeshiyada Al-shabaab ay uga sifeyn lahaayeen Gobolka Gedo iyagoo si dhuumaaleysi ku yimaada mararka qaar deegaanadaasi
Taliyaha Guutada 10 Aad ee ciidanka Xoogaa dalka Janaraal Maxamed Cali Cadoow oo warbixin kooban ka siiyay taliyaha ciidamada waxaana uu sheegay in la dagaalanka kooxda Argagaxisada Alshabaab ay heegan ugu jiraan.
“Ciidmadan waa guutada 10 Aad iyo Ururka 50 Aad ee ciidanka Xooga Dalka waxay ay u taagan yihiin ilaalinta Dadka iyo Dalka astaantooduna waa Qaranka Soomaaliyeed daruuf walbo iyago ku shaqeynaayo ayay diyaar u yihiin la dagaalanka Kooxda Xagjiriinta Al-shabaab”. Ayuu yiri Janaraal Caddow.
Sareeye Guuta Cali Maxamed Maxamuud Bogmadoow ayaa tagay furmaha ciidanka heeganka ku jiray, islamarkaana xogwareystay xaaladaha ay ku suganyihin iyo baahiyaha ay qabeen sidoo kale waxa uu xusay in Dowlada Soomaaliya ay ka go,antahay ogaashaha iyo daryeelidda Ciidanka qaranka waxaana uu kula dar daarmay in ay ku shaqeyaan Soomaalinada taana looga Bixi karo ka adkaanshada Kooxaha Caadeystay daadinta dhiiga umma Soomaaliyeed.
“Waxaan idinkula dar daarmayaa in aad ka fogaataan qabyaalada islamarakaan aad u diyar garoowdaan si feynta cadowga Soomaaliyeed oo ku dhuumaaleysanaya meelaha ay kaga Sugan yihiin Gobolada Jubooyinka iyo Gedo”.
Dolwadda Soomaaliya ayaa ku Howlan sidii loo dhisi lahaa dhamaan ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed si ay ula wareegaan Marka ay ka baxaan Dalka ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM uu dhamaada howlgalka ay ku Joogaan Gudaha Dalka.
xigasho warbaahinta qaranka SONNA
ciidan

ciidan

ciidan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.