Sawiro+Video:Madaxweynaha Soomaliya iyo wafdigiisa oo gaaray Brussels Belgium

farmajo

Wafdigan uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgiumka,waxaana halkasi ku soo dhaweeyey danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo mas’uuliyiin kale.
Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliy aiyo wafdigiisa ayaa ka qeybg qaadan doona guddoominta shirka horumarinta Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Brussels 16 -17 bishan Luuliyo.
Wuxuu shirkaasi caalamiga ah uu daba socda shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonto arrimihii ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.


farmajo

farmajo

farmajo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.