Turkiga oo cambaareyay weearkii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho

Madaxda Turkiga ayaa cambaareeyay weerarkii argaixiso ee maalinimadii shalay kooxo hubeysan oo naftood halligayaal ah ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.
War saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Turkiga,ayaa lagu sheegay in dowladda dalkaasi ay si xoogan u cambaareyneyso falalkii argagixiso ee ka dhacay caasimadda Muqdisho,kaas oo ay ku dhinteen dhowr qof.
Warsaxaafadeedkaan,ayaa lagu muujiyay in dowaladda Turkiga ay sii wadi doonto taageerada iyo dadaalka walaaltinimo ee ay la garab-taagan yihiin dadka Soomaaliyeed tan iyo inta xukuumadda Federaalka ay ka so celineyso nidaamka iyo kala dambeynta.
Ciidamada dowladda ayaa fashiliyay Weerarkii argagixiso ee ay soo maleegeen kooxaha nabad-diidka ah.waxaana ku dhintay dhagarqabayaashii soo abaabulay falkaasi,halka la tilmaamay in uu jiro dhaawac fudud oo soo gaaay dad rayid ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.