Dhageyso:Gudumoomiyaha Yariisow Shirka Brussels arimo Soomaliya farax galiya ayaa kasoo baxay

yariisow

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Ing C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” oo Wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa ka hadlay Shirkii looga hadlayey arrimaha Soomaaliya kaas oo lagu soo gabo-gabeeyey Dalka Biljimka Shalay galinkii danbe.
Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in Shirkaas looga hadlay arrimo badan oo Soomaaliya quseeya kuwaas oo ay kamid yihiin Amniga, Doorashadda lafilayo inay dalka ka dhacdo sanadka 2020 iyo dhanka Dhaqaalaha sidii Soomaaliya looga taageeri lahaaa.
“Dhanacyadii kala duwanaa ee Shirka kasoo qeyb galay waxaa ay ku qanceen qaabka wanaagsan ee Soomaaliya u maareysay arrimo badan oo ay kamid yihiin hormarka laga sameeyey dhanka Amniga mudooyinkii danbe iyo sida loo wajahayo qaabka kala guurka taas oo micnaheedu yahay in Ciidanka Soomaaliya lawareegaan Amaanka dalka kadib ka bixitaanka AMISOM Soomaaliya” sidaas waxaa yiri Gudooomiyaha Gobolka Banaadir kaas oo ka qeyb galayey Shirkii Biljimka ka dhacay.
Deeq bixiyaasha iyo Dalalka ka soo qeyb galay Shirka ayaa Soomaaliya ugu deeqay lacag gaareysa Shanboqol iyo lixdan Milyan oo Dollar Soomaaliya.
“Inkastoo uu san Shirkan aheyn kii tabarucaada iyo balan-qaadyada hadana Soomaaliya waxaa shirkaas loogu deeqay Shanboqol iyo lixdan Milyan oo Dollar taas oo lagu Sheegay in Soomaaliya lagalinayo si-ay Dowladda siwanaagsan ugu shaqeyso” ayuu yiri: Ing C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow”
Shirka looga hadlayey Arrimaha Soomaaliya ayaa mudo labo maalin ah waxaa uu ka socday Magaaladda Brussels ee Dalka Biljimka waxaana ka qeyb wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaarka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.
Halkaan ka dhageeyso wareysiga Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ing Yariisow uusiiyey warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.