Faysal Cali waraabe iyo Cali Khaliif oo lakulmay Madaxwayne Farmaajo iyo Masuuliyiin kale oo Somaliland ah ayaa Farmaajo kusoo wajahan

faysal

Madaxwaynaha umada Soomaliyeed Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa waxuu dalka Belgium kaga qayb galay Shirkii udhexeey Somaliya iyo dalalka Taageero dalka soomaliya kaas oo lacag badan loogu balan qaaday dowlada soomaliya.

Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa uu Hoteelka uu kadagan yahay Magaalada Brussels ee dalka Belgium kusoo booqday Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galyr kulankaas ayaa waxaa looga Hadlay sidii Dagaalka Tukaraq loo joojin lahaa iyo Cawimaada Soomaliland inaan lahor istaagin.

Dhanka Kale Madaxwaynaha Soomaliya, Faysal Cali waraabe iyo Cali Khaliif Galyr ayaa waxaa kawada hadleen sidii looga shaqayn lahaa Midnimada Soomaliya iyo in labilaabo sida ugu dhaqsaha Badan wadahadaladii udhaxeeyey Soomaliya iyo Soomaliland.

Wararka ka imaanaya Soomaliland ayaa waxaay sheegayaan in masuuliyiin kale oo Soomaliland ah ay go’aansadeen inay ayakuna lakulmaan Madaxwaynaha Soomaliya si ay ugala hadlaan arimaha quseeya Soomaliya iyo Soomaliland.

Kulankaan Dhexmaray Madaxwaynaha Soomaliya iyo Masuuliyintaan kasoo Jeeda Soomaliland ayaa waxaa isbadalku yimid kala fogaanshihii udhexeeyey Madaxda Soomaliland iyo Soomaliya Taas oo horseedaysa Isfahan dhow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.