Akhriso Tacadiyada ay Geysteen Somalilada Itoobiya iyo Saraakiishii ka dambaysay

cabdilialay

Qybtii 1,aad ee Dhacdooyinta ay gaystay DDSI

Taatiikhdu iyadaa is qorta, waxaan rabaa in aan la wadaago xaqiiqo dhab ah dadka Soomaaliyeed iyo dunida kale.

Waxaana halkaan rabaa inaan idiin kugu gudbiyo inta sugan ee dhabta ah ee aan ka hayo. Dilal, Xasuuq, Barakacin, Kufsi, Hanti, iyo Dhaawacyo iyo inta ay tacadiyo iyo dhib ka sameeyeen deegaanada DOOLLO IYO QORAXEEY ciidamada Lew Pilice ee uu dadka ku duleeyo Ina ilay

Saraakiisha sida Bareerka ah u gaysatay Xasuuqaan iyagoo ka fasax haysta Ina ilay waxaa kamid ah.

Shaaliqe, Yuusuf (Xaabsade) Reer Cabdulle, Maalin-guur
Shaaliqe, Cagdheer Ismaaciil Gumcadle
Shaaliqe, Cabdullaahi Xaaji Reer Isaaq
Shaaliqe, Garaad Ma naqaan
Shaaliqe, Malaaje Bah-gari
Shaambal, Cismaan Shiiqaal
Shaambal, Xabiib Reer Warfaa
Shaambal, Cabdi Shugri Reer isaaq
Shaambal, Cabdixayi Reer Cali Yuusuf
Shaaliqe, Calidheere Reer Isaaq
Shaaliqe, Muqtaar Reer Cali Yuusuf

Waxaa ay si wada jir ah u gaysteen, Dadkaasi aan kor ku soo xusey, Dilal, Kufsi, Dhac, Boob Hanti, iyo Barakicin

Waxaa bilaabay aruurinta iyo diyaarinta xogtaan markii uu curtay isbadalka waxtarka leh ee Dr Aby Ahmed Raysal Wasaara Dalka Ethiopia.

Waxaan wali wadaa diyaarinta, Barnaamijkan oo ah mid aan lagu soo wada koobi karin hal qormo, waana wax ay ka wada sameeyeen Ciidamada Lew Police guud ahaan DDSI iyo deegaanada ku dhaw.

Waxaanse doortay in aan maqaalkan ama qormadan ku aruursho dhibaatooyinka iyo Tacadiyada loo gaystay Dadka ku nool labada gobol ee Qoraxeey iyo Doollo
____________________________

Ceel-Dibir

Waxaa ugu horeeyay Qoorleex Xirsi Adaax waxaa lagu dhex dilay Gudaha Tuulada Ceel-Dibir waxaana dilay Ciidamo ka yimid kililka.

9/Jun/2010 waxaa dhacay xasuuqii Ceel-dibir kii ugu xumaa oo ay gaysteen ciidamada Lew Police. Waxa ay yimaadeen magaalada waxayna bilaabeen Boob iyo dhac dadka tuulada ay ku qaadeen, waxay handadeen oo damceen inay fara xumeeyaan Dumar wxaase si cad oga hor yimid oo diiday Damacooda dadka tuulada taasoo kaliftay inay geystaan dil bareer ah. Waxaana ay dileen
Nabadoon Xaashi Cartan Shidane

Maalintii xigtay ayaa waxaa tuulada lagu soo weerary ciidan hubaysan kuwaasi oo gaystay xasuuq dad gaaraya 15, ruux oo isugu jira

Nabadoono
Odayaal
Ganacsato
Reer Guuraa
Dhalinyaro iyo Caruur

Waxaana kamid ahaa dadkaas la dilay

1- Nabadoon Axmed Aadan Maxamed (Daqare)
2- Nabadoon Cabdi Xuseen Diirshe (Arwaax)
3- Ganacsade Suufi Warsame Taakilo
4- Nabadoon Cabdullaahi Cali Xaydar, Shil gaari ayuu ku dhintay.

5- Sameey Dhaga-hoor
6- Deeq Irdho Diiriye
7- Xasan Juujuule Warsme
8- Baashi Cismaan Jaamac
9- Cabdi Axmed Xaashi
10- Gardheere Maxamed Cigaal
13- Xasan Xuseen Cigaal Xasan
14- Joogax Daahir Dhoore Dhalaweyn
15- Cabdicasiis Cabdullaahi Yuusuf
16- Baashi Salaad Warsame

Burgeesoole

Waxaa ka dhacay deegaankaas dilal dhaw ah, iyo dad laga qabtay oo la dilay waxaana kamid ahaa.

1- Cabdirisaaq Cabdul Maxamed
2- Wargalay Shaaciye Xaashi

Waxaa laga dhex qabtay Deegaanka Burgeesoole. Waxaana loo watay Dhinaca Jigjiga iyadoo lagu kala dilay Lehelow iyo Jigjiga.

Isla Burgeesoole waxaa Ciidamo ka ama qaata Ina ilay ay ku dileen Bashiir Xudufaar Geelle isaga oo wada baabuur ayaa bar Koontarool oo ay joogeen markii uu is taagay ayay ku dileen rasaas ay ku rideen.

Waxaa isla Burgeesoole ka dhacay dil kale oo loo gaystay. Cabdiwali Buraale Nuur Gurxan waxaana dilay ciidamo u adeega oo uu ka samaystay deegaanada Dawlad deegaan Ina ilay kuwaasi oo boob iyo dil joogta ah ka gaystay deegaanka.

Xodayga

Ciidama ka amar qaata ina Ileey oo uu deegaanka ka sameeyay ayaa ugu soo dhacay gurigiisa, Mahdi Asad Xaashi waxaana ay ku dileen meel u dhaw gurigiisa.

Miir Khaliif

Waxaa lagu dhex dilay
Qodhob Maxamed Cigaal Nuur isaga oo u dhintay Bac madaxa loo galiyay Gudaha xabsi uu ku jiray.

Shilaabo

Waxaa si naxariis darro ah loogu dhex dilay Cabdikariin Xasan Barre (Dhalo) Ciidamo ka tirsan kuwa New Police.
-ka ayaa ka dhex watay xera ay daganaayeen Milatariga Ethiopia waxana si naxariis darro ah loogu dhex dilay goor maqrib ah laamiga dhex mara Shilaabo.

Cilaanle

2014, Waxaa si Bareer ah loogu dilay Nageeye ilmadoow Cartan waxaana lagu dhex dilay cilaanle.

Laheloow

Waxaa lagu dilay Gacmeey Qaasin Shidane Eebaale waxaa uu ka tagay tuulada Neefku-Ceshe waxaana qabtay oo toogtay ciidanka New Police.

Neef ku ceshe

Waxaa lagu dilay guri oo ka dagana gudaha magaalada Neefku-ceshe Koomaal Xaashi Shiikh_doon iyo Shiikh Buraale Cismaan Jaamac oo ahaa iimaankii Masaajidka Jaamaca Neeku_ceshe waxaana lagu dhex dilay gudaha Masjidka isaga oo ku aqrisanaya Kitaab,

Waxaa sidoo kale lagu dilay xili duhur ah isagoo jooga Gurigiisa oo ah isla magaaladaas Cabdikariin Axmed Jaamac waxaa lagu dhex dilay caruurta iyo xaaska hortooda, rasaastii lagu dilayay waxaa dhaawacyo ay ka soo gaareen xaaska iyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.