Ciidanka Xooga Dalka Somaliya oo ku guulaystay inay qabtaan raggii Al-shabaab Qaraxyada u qaabilsanaa

Ciidammada Xoogga dalka ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan raggii Al-shabaab Qaraxyada ugu diyaarinayey gobolka Shabeellada Hoose kaddib weerar ay ku qaadeen kooxdaas.
Ciidammada Xoogga dalka ayaa qaadey weerar qorsheysan oo ka dhacay dhowr saldhig oo ay Al-shabaab ku lahaayeen dhulka Hawdka ah ee gobolka Shabeellada Hoose.
“waxaa la burburiyey saddex Saldhig oo Argagixisada ku diyaarin jireen Qaraxyada, waxaan gacanta lagu dhignay koox malleeshiyo Qaraxyada Qaabilsaneyd oo hadda ku jira gacanta ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, howlgalka waxaa fuliyey ururka 15-aad ee qeybta 12-ka April” waxaa sidaas yiri G/sare Maxamed Maxamuud Guutaale oo ah taliyaha qeybtaas.
Ciidammada Xoogga dalka oo ay kaabayaan saaxiibbada Mareykanka ayaa billaabay beegsiga saldhigyada iyo horjoogeyaasha Al-shabaaba ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose.
warkii warbaahinta qaranka Soomaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.