Dhageyso:Wasiirka Arimaha Gudaha Jubbaland oo sheegay inuusan jirin dhib lagu hayo Beesha hawiye ee ay tahay abaabul siyaasadeed

darwiish

Wasiirka Arimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Faarax Warsame (Darwiish) ayaa waxuu ka hadlay arimo badan oo ay mid yihiin Abaabul siyaasadeed oo wadaan Beesha Hawiye, dhibka ay dowlada soomaliya kuhayso Jubbaland, Qurbajoogta iyo Ganacsatada oo dhul saiinaayo Magaalada Kismaayo iyo In kismaayo aysan kajirin wax Dhib ah ee ay amaan tahay.

Wasiir Arimaha Gudaha Jubbaland Darwiish ayaa waxuu ku tilmaamay shirkii Beelaha Hawiye ku yeesheen Magaalada Muqdisho oo cabashada ka tabanayeen maamulka Jubbaland inaan waxba Kajirin ee uu ahaa mid siyaasadeed.

Wasiir Darwiish ayaa waxuu kaloo sheegay inuu soo dhaweynayaan Qurbajoogta ayna siinayaan dhulal saacado gudahood si ay guryo uga dhistaan, Waxaa kaloo sheegay wasiir Darwiish Magaalada Kismaayo hadaysan Amaan ahayn oo dhib kajiro maba jooogeen sidaas darted waa Magaalada ugu amaan badan Soomaliya.

Wasiir darwiish ayaa ugu dambayntii sheegay in dowlada Soomaliya qalalaaso kawado Kismaayo ayadoo taliye ciidan soo magacowday ayadoo nagala tashan mana ahayn waxii lagu balamay.

Hadaladaan kasoo yeeray wasiir darwiish ayaa waxay u egyihiin kuwa xaqiiqda ka fog sababtoo ah Magaalada Kismaayo waa meesha kaliya oo shacabka Jubbaland laga masaafuriyey dadkii laga masaafuriyey Kismaayo waxaa kamida Xildhibaano,Wariyaal,dhalinyaro oday dhaqameed waxaa kaloo boob lagu hayaa hantida shacabka Jubbaland ku lee yihiin kismaayo iyadoo dhulal badan lasiiyey qurbajoog iyo ka timid dalka dibadiisa.

Dhulalka wasiir Darwiish uu lee yahay Qurbajoog baansiinaynaa waxaa iska Leh shacabka Masaakiinta ah ee tabarta daran taas oo mudooyinkii dambe laguwaday boob iyo dhac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.