Dhimasho iyo dhaawac lasoo gaarsiiyey Magaalada Kismaayo

isbitaal

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka ah ah ee maamulka Jubaland ayaa sheegaya in Dhimasho iyo dhaawacyo fara badan la gaarsiiyay Isbitaalka magaalada Kismaayo kuwaas oo ku wax yeeloobay dagaal xoogan oo Saakay aroortii hore ay kooxda arga gixisadaka Alshaaba kusoo qaadeen deegaanka Baarsanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Dhimashada iyo dhaawacyo badan oo la gaarsiiyay Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa dadka shacabka iyo Wariyaasha loo diiday inay soo booqdaan.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Baar sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Alshabab saaka lawareegeen Xeradii Ciidan Jubbaland walow maamulka Jubbaland ay sheegen inaan Alshabab Qabsan Xeradaas.

Wararkeena dambe jala socda warar dheeraad ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.