Biyahu waxay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah ee ay tahay inuu qof walba haysto laakiin haddii aad tahay Maraykan nasiib ayaa leedahay haddiiba aad ku hesho qiimo aad ku iibsan karto.
Arrintaan waxaa laga yaabaa inay qariib kula noqoto, inay kula noqonaysana waa sababta aan u jeclaystay inaan kula wadaago. Sidee waddanka dunida ugu hormarsan xagga nolasha, dhaqaalaha, ciidan iyo ilbaxnimada sheegtana inuu yahay aabbaha dunida xorta ah ay suuragal ku tahay in dadkiisu biyo la’aan hayso? Dhabta ayaa ah in nolosha quruxda badan ee aan aragno yaysan wada haysan ree Maraykan, qaar badan oo ka mid ah haddaysanba ahayn intooda badan ay ku noolyihiin nolol xuquuq la’aan. Waxaan halkaan idinkula wadaagi hal tusaale oo ku saabsan sida loola dhaqmo dadka saboolka ah ee Maraykan ku nool iyo cidda leh awoodda dalka.
Flint waa magaalo ku taal gobal Mishigaan. Dadka saboolka ah ee daggan dagmadaas ayaa lagu qasbay inay isticmaalaan biyaha caagadaysan ee suuqayada lagu iibiyo. Dhammaan waxyabaha ay biyuhu daruuriga u yihiin sida cunta kariska, cabbidda, iyo xataa qubayska ayay noqotay inay u istcmaalaan biyaha sajalka ah ee qaaliga ah. Waxay rumaysanyihiin in biyaha ka socdo tuubbooyinkooda ay astaahilaan falaashka musqusha wax kasoo harayna aan loo isricmaali karin.
Dhibka biyaha dagmadas ayaa bilowday sanadki 2014ki ka dib markii halka ay biyaha ka heli jireen lagu baddalay isticmaalka biyaha wabiga maro Flint. Hasa ahaate wabigaan ayaa ahaa sanado badan meel lagu qubo wasaqda ka timaado warshadaha ku yaal gobalka oo dhan taasoo sababtay in dhammaan biyihiisu noqdaan kuwa sumaysan. Marki ay muddo aad u yar isticmaalayeen biyaha wabiga, dadka deegaanku waxaa soo wajahay xanuunno ay ka mid yihiin kuwa maqaarka ku dhaco. Sidoo kale, rag iyo dumarba waxaa ku bilowday timo-jaran ka dib marki ay ku mayrteen biyaha ka yimaado wabiga. Dhibka ugu daranse waxaa yimid markii dumarki billaabeen inay dhiciyaan. Caddadka dhiciska ayaa kor u kacay 58% muddo kooban. (FG: biyaha guryaha tuubooyin ayaa keeno ee isha ay ka yimaadaan ayaa wabiga ah).
Dhibkaan ayaa isla markiiba soo jiitay indhaha madaxda Marayka. Waxaa markiba booqday madaxweynihi markaas talada hayay Barrak Obama iyo Hilary Clinton. Sidoo kale waxaa dagmada iska xaadiriyay jilayaal caan ah oo uu ka mid yahay Will Smith. Masuuliyiintaan ayaa muujiyay inay garab taaganyihiin dadka deegaan waxayna ku deeqeen kumannaan liitar biyo caagadaysan ah inta xal loo helayo oo ula muuqatay maalmo. Dadaalki iyo garab istaagi ay muujiyeen masuulyiintaas waxba kama baddalin dhibki haystay ree Flint.
Afar sano ka dib marki guryaha loo galiyay biyo sumaysan, dadka deegaan ayaa wali ku tiirsan biyo caagadaysan oo aad ugu qaali ah. Sanadki 2017ki amar kasoo baxay maxkamad ka dib, maamulka gobal ayaa sheegay inay u qoondeeyay $97 milyan oo doolar oo biyo caagadaysan ay ugu iibin doonaan 18000 qoys ilaa sanadka 2020ka. Hasa ahaatee 12000 oo dadkaas ka mid ah biyahaas waxba kama gaarin. Wax yar ka dibna maamulka gobalka ayaa joojiyay bixinta biyahii uu ballan qaaday isagoo ku dooday in tayada biyaha guryaha ku jiro la hagaajiyay.
Hasa yeeshee khubarada caafimaadka ayaa isku raacay inaan biyahaan la cabbin karin. Waxaa la xajiiyay inay 886 jeer ka tayo hooseeyaan heerki laga rabay biyaha nadiifka. Dhaqaatiirta aya sheegtay in caruurta cabto ama ku korto biyahaan ay wajahayaan caafimaad darro kala duwan sida maskax hoosayso, dug-la’aan iyo fadaqnimo, marar badan ay suuragal noqon karto inay sababaan dhaawac maskaxda ah oo keeno curyaanimo abid ah.
Ma biyo la’aan ayaa jirto maxaa dadka sunta loogu qasbayaa? Maya xaqiiqdi. Masaafo u jirto labo saac inta loo socdo dagmadaas, waxaa ku yaal il qulqusho oo laga dhaliyo biyaha caagadaysan laakiin waxay u xiran tahay shirkad ganacsi oo cid kale ma cabbi karto. Shirkadda Nestle ayaa ishaas ka burqiso malaayiin liitar oo biyo maalin walba. In ka badan boqol kun oo jeer celceliska biyaha uu u baahanyahay qoyska daga Flint, ayay shirkaddaas ku iibisaa hal doolar oo kaliya.
Waxaa kaaga daran gobalku lacag kama helo biyaha dadkiisu ka baqtiyeen. Shirkaddu sanadki oo dhan waxay gobalka siiyaa labo boqol oo doolar kaliya. Hadda waa labo boqon oo kaliya. Waa lacag u dhiganto biilka biyaha ee uu bixiyo qoyska daggan Flinta saddexdi biloodba. Sanadki 2016ki biyaha ay shirakddu iibisay ayaa ku istagay $7.4 bilyan oo doolar.
Waxaa xusid mudan in isla sanadkaas shirkaddu codsatay in loo kordhiyo caddadka biyaha ay dhurato 60% taasoo maamulka gobalkuna aqbalay halka dadka deegaanka lagu qasbahayay biyo sumaysan oo wasaq ah.
Dhibkaan gooni kuma aha dagmada Flint ee waa mid ku baahsan dalka Maraykanka oo dhan. Baaritaan ay samaysay wakaaladda wararka ee Reuters sanadki 2016ki ayay ku heshay in ilaa 3000 oo dagmo iyo tuullyin ah ay biyahoodu sumaysanyihiin qaarkoodna kasii liitaan kuwa Flint.
Waxaa laga yaabaa inaad la yaabbantahay waxa keenay in dadkaan sidaan loola dhaqmo. Jawaabta aya ah in Maraykanka nolosha ka jirto dadka kala gaysay. Tayada noloshaada waxaa go’aaminayo qabiilka aad ka dhalatay iyo maalka aad leedahay. Dhammaan dadka ay hayso dhibka biyaha waa madow ama hisbaanic. Sidoo kale waa dad dhaqaale hooseeyo oo ay dowladdu kabto.
Ilmaha dugta beelayo maahan canug cad. Midka fadaqa noqonayo ee noloshiisa xabsiga ku dhammaysan doono ama la dili doono isagoo yar maahan canug caddaan ah. Hablaha ilmihu kasoo dhacayaan iyo hooyinka timuhu ka buubeen biyahaas dartood maahan kuwa caddaan ah. Sidaas darteed sharciyada xuuqul insaanka, caddaaladda iyo sinnaanta Maraykanku ku faano waxay gaar u yihiin dadka cad. Obaama iyo Wil Smith inta isu tageen waa keeni waayeen in biyaha shirakadda u xiran dadka baaba’ayo wax laga siiyo.
Ugu danbayn ujeedka aan qormadaan idiinla wadaagay ayaa ah inaan fahamno dhibaatooyinka kala duwan ee bulshooyinku dalalkooda ku qabaan. Caddaalad darrada taal dalkeenna si guud iyo midda dadkeenna qaar si gooni u haysato, waa mid aan la qabno dadyow aad u tiro badan oo qaarkood ku noolyin dal Maraykan oo kale ah. Haddii ninki madoobaa ee qabiil ahaan loo yaqaan Maraykan Madow (Black American) sidaa loola dhaqmayo maxaad mooddaa mid Soomaaliga ah ama Afrikaanka ah ee shalay tagay?
Taasi kama dhigna inaan leeyahay aan ka raali noqonno caddaalad darrada na halakaysay ee waxaan leeyahay yaysan noqon caddaaladda aan raadinayno midd Maraykanka oo kale.
Qormadaan oo ku qoran Ingriis waxaa lagu daabacay bogga Aljazeera halkaan ayaadka ka daalacan kartaa:
https://www.aljazeera.com/indepth/opinion/owns-america-water-180607123435697.html
Leave a Reply