Warmurtiyeed laga soo saaray shirka Mideynta Canshuuraha dalka Soomaliya

bayle

Shirka wadatashiga ee xoojinta wadashaqeynta iyo dhammeystirka habka mideynta canshuraha dalka oo Muqdisho laba maalmood uga socday, wasiirka maaliyadda xukuumadda FS iyo Wasiirada Maaliyadda Gawlad Goboleedyada ayaa dhammaadkiisa laga soo saaray war murtiyeed ku aadan waxyaabahii la isla meel dhigay, waxaana ka mid ahaa.
in madasha wasiiradda maaliyada ee dalka ay ahmiyad gaar ah siiyaan habsami usocodka hawlaha guddiga si looga miro dhaliyo hadafka mideynta Maamulka Maaliyada ee dalka.
In la mideeyo sharuucada caanshuraha iyo siyaasadooda guud kaaso ka soo bilaabanaya golayaasha dowlad goballeedyada ka hor inta aan la horgeynin golayaasha Dowladda waana inuu waafaqaa sharuucda maaliyadeed ee dowlad goballeedyada.

in shir deg deg ah wasiiradu ay isugu yimaadaan bisha Augost dhexdeeda si looga arrinsado qodobada ku jira sharciga canshuuraha.
In la casiriyeeyo dhammaan maamulka iyo maaraynta canshuuraha (Automation of Inland Revenue).
In la dhiso xubno loo tababaro arrimaha la xiriira furdooyinka, kuwaasoo noqonaya 12-xubnood oo min 2-xubnood uga kala imaanaya dawlad goboleedyada iyo Dawladda Federaalka.
Ku simaha guddoomiyaha Gobalka Benaadir ahna Gudomiyaha ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa shegaay in ka gobal ahaan ay aad uu soo dhawenayaan in la mideyo canshuuraha dalka si loo gaaro nidaam Maaliyadeed oo daah furan, islamarkaana samaynaya kobac dhaqaale.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shegaay iney diyaar u yihiin dhammeystirka mideynta caanshuraha dalka, taasoo horumarineysa nidaamka dhaqaale ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.